...

Baro lixdan xirfadood kama maarantide!

lixdan xirfadood ee kamid ah kuwa fudud(soft skills) kama maarantide baro, si ay horumarka noloshaada kaaga anfacaan.

1) Confidence (kalsoonida):

Xirfaddan kalsoonidu waa mid ka mid ah xirfadaha aad ka u muhiimka ah ee looga baahanyahay goob kasta oo shaqo.Waxaana ay ka bilaabantaa inaad adigu marka hore isku kalsoonaato oo aad naftaada aaminto, aqoon ahaan iyo xirfad ahaan oo aad naftaada dhisto.

2) Self-Motivation(dhiirigelin nafeed);

Inaad naftaada ku dhiirigelisid horumarka iyo isbedelka, waxay kuu horseedaysaa inaad horumar samaysid oo aad meel sare gaartid.Waxaana uga bilaabi kartaa dhiirigelinta naftaada si shaqooyinka aad qabanaysaa kuugu kala hormarsanaadaan oo aad natiijo fiican ka gaartid adigoo la yimaadda qodobadan;

> Maaraynta waqtigaaga(Time management)

>Inaad noqoto qof hawlaha shaqo u kala nidaamsanyihiin(organised).

> Noqo qof arrimaha ka fiiriya dhanka wanaagsan(optimistic).

3) Problem Solving(xallinta dhibaatooyinka);

Waxa hubaal ah nolosha intaad nooshahay inay kusoo wajahayaan ama aad la kulmaysid dhibaatooyin badan oo hadba sida aad u xalliso iyo sida aad uga baxdo ay ku xdhantahay saamynta nafeed ee ay kugu yeelanayaa. Tusaale ahaan waxa ka mid ah; dhibaatooyin maaliyadeed ama dhaqaale(financial problems), mid qoys( family problems) iyo mid waxbarasho(career problems) intaba.Markaa waxa loo baahanyahya inaad noqoto qof wax ka yaqaan sida loo xalliyo ama loo maareeyo dhibaatooyinkaa kusoo mara intaad joogto adduunka.

4) Hab la dhaqanka_dadka(Interpersonal skills):

Runtii dadka marka aad la socotid qaabka aad ula dhaqantid waa xirfad hab la dhaqan oo adiga kaa turjumaysa qofka aad tahay iyo dabeecadda aad leedahay. Tusaale ahaan, waxa ka mid ah hab la dhaqanka wanaagsan ee dadka inaad noqotid qof dhagayso fiican ah(good listener) oo aad hadalka dadka ka dhexgelin oo xushmeeya marka ay dadku la hadlayaan.Sidoo kale dad la dhaqanka wanaagsan waxa ka mid ah inaad ku dadaashid ilaalinta ballanta aad la gashid dadka, runta iyo amaanada.

5) Leadership (Hoggaaminta).

Kaliya maaha inaad hogaamiye ku noqon karid marka aad xil ama masuuliyad haysid,balse waxa hoggaamintu waxay ka bilaabantaa naftaad oo la doonayo inaad ku hoggaamisid wixii fiican ee horumar kuu leh islamarkaana kaa dhigi kara qof ka fiican midka aad hadda tahay ama ku gaadhsiin kara meel ka wanaagsan halka aad hadda joogtid.Waxaanad ogaataa marka aad naftaada si wanaagsan u hogaamisid uunbaad noqon kartaa hoggaamiye dadka hagi kara.

6)  Team work(La shaqaynta dadka);

Ugu dambayn, xirfaddani waa mid ka mida kuwa ugu muhiimsan ee lagaaga baahanyahy marka aad joogtid goob shaqo maadaama ay lagama maarmaan tahay inaad la shaqaysid dadyaw kala duwan.Waxaana keeni kara inaad lahaatid dad la shaqayn fiicanm, inaad tahay qof la fahmi karo oo dabeecad ahaan lala shaqayn karo.

10 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Seraphinite AcceleratorOptimized by Seraphinite Accelerator
Turns on site high speed to be attractive for people and search engines.